Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Caalamka Mas’uul ka tirsan Xamaas oo sheegay in aad loogu dhow yahay in...

Mas’uul ka tirsan Xamaas oo sheegay in aad loogu dhow yahay in lala heshiiyo Israa’iil

Mid ka mid ah mas’uuliyiinta ururka Xamaas Issat el Reshiq ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in kooxdan ay aad ugu dhowdahay inay heshiis la gaarto Israa’iil.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo ay weli socdaan duqeymaha ay Israa’iil ka wado Qaza.
Madaxa Xamaas Ismaaciil Haniyeh ayaa dhanka kale bayaan ku sheegay inay ka falceliyeen soo jeedin ka timid dhexdexaadiyayaasha Qatar.
In kastoo aan arrinkan faahfaahin dheeraad ah laga bixin haddana mas’uulka Xamaas ayaa sheegay in laga wada hadlay muddada uu heshiiska shaqeyn karo , qorshaha gargaarka ee Qaza iyo in la isdhaafsado maxaabiista ay kala haystaan Israa’iil iyo Xamaas.
In kastoo ay faahfaahin dheeraad ah bixin doonto Qatar haddana waxaa la siidaynaya haweenka iyo carruurta sida uu sheegay Issat el Reshiq.
7-dii bishii hore ayay ahayd markii ururka Xamaas uu Israa’iil gacanta uga dhigay 240 maxaabiis ah.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments