Dowladda Maraykanka ee uu hoggaamiyo madaxweyne Joe Biden ayaa aqalka kongreeska u sheegtay inay sii wadi doonta hubka laga iibinayo Isutagga Imaaraatka Carabta kaas oo ku kacaya 23 bilyan oo doolar.
Hubkan ayaa waxaa ka mid ah diyaaradaha F-35 ee horumarsan, diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee loo yaqaan Drones iyo qalab kale, sida ay kaaliyeyaasha kongress-ka sheegeen .
Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ayaa sheegay in xukuumaddu ay sii wadi doonto iibinta hubkan iyada oo laga wada hadlayo qaabka loo isticmaalayo.
Madaxweyne Biden ayaa joojiyay heshiiska hubka looga iibin lahaa Isutagga Imaaraatka Carabta kaas oo uu horaan uu saxiixay madaxweynihii uu xilka kala wareegay ee Donald Trump.