Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya DHAGEYSO:Kooxo hubaysan oo askari booliis ah oo ka mid ahaa ilaalada imtixaanka...

DHAGEYSO:Kooxo hubaysan oo askari booliis ah oo ka mid ahaa ilaalada imtixaanka KCSE ku dishay Siaya

Waxaa lagu soo warramayaa in la dilay askari ka tirsanaa ciidamada booliiska ee dalka oo ka mid ahaa saraakiisha ilaalinaysay imtixaanaadka shahaadiga ee dugsiga sare ee KCSE.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in sidoo kale la dhaawacay sarkaal la socday askariga la dilay.
Askariga la dilay ayaa waraaqaha imtixaanka KCSE-da ee saaka ardayda sameyn lahaayeen gaynayay dugsiga sare ee Mahero oo ku yaalla deegaanka Alego Usonga ee ismaamulka Siaya.
Waxaa weerarka lagu dilay askariga uu dhacay aroornimadii hore ee maanta.
Koox hubaysan oo burcad ah ayaa la sheegay inay fuliyeen weerarka.
Macallimiintii la socotay baabuurka siday waraaqaha imtixaanka KCSE-da ee la weerarray ayaa badbaaday, iyagoona gabaad ka dhigtay guri ku dhow halka dhacdadan laga soo tabiyay
Kooxda weerarka soo qaadday ayaa la sheegay in ay la baxsadeen qoyrihii ay wateen saraakiisha booliiska.
Ciidamada ammaanka ayaa markiiba goobta gaaray waxayna si degdeg ah ula carareen askarigii dhaawacmay.
Mid ka mid ah dadkii goobjooga u ahaa weerarkaan ayaa warbaahinta uga warbixisay sida uu u dhacay falkan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments