Wararka ka imaanaya dalka Masar ayaa sheegaya in 20 qof ay ku dhinteen shil baabuur oo ka dhacay wadankaas.
Saddex qof oo kale ayay dhaawacyo soo gaareen.
Shilkan ayaa yimid ka dib markii ay isku dhaceen bas iyo baabuur kale oo ah nooca qaada xamuulka ee loo yaqaano Taraagga.
Gaariga baska ah oo ka yimid dhinaca magaalada caasimadda dalkaasi Masar ee Qaahira ayaa isku dayay in uu hor gooyo baabuurka kale taas oo dhalisay shilkaasi waxyeelada gaystay.
Goobta uu ka dhacay shilkani ayaa ku taala gobalka Assiut, oo masaafo dhan 370 kiiloomitir dhanka Koonfureed kaga beegan Qaahira.
Kooxaha gurmadka degdegga ah ayaa waddo dadaal dheraad ah iyada oo dadka dhawacyada ahna loola cararay isbitaalki ugu dhaw goobta uu shilku ka dhacay.
Dalka masar waxaa ku soo badanaya shilalka gaadiidka.
Bishii saddexaad ee sanadkan ayay ahayd markii 18 qof ay ku dhinteen shil dhacay halka 200 oo dheeraad ah ay dhaawacmeen.