Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Waddada u dhexeysa Dadaab iyo Garissa oo isbuucii 3-aad xiran

Waddada u dhexeysa Dadaab iyo Garissa oo isbuucii 3-aad xiran

Waxaa toddobaadkii saddexaad xiran waddada u dhexeysa deegaanka Dadaab iyo magaalada Garissa ka dib daadad ka dhashay roobabka culus ee ka da’aya ismaamulkaasi.
Waddadan ayaa marin muhiim u ah isku socodka gaadiidka dadwaynaha iyo nolasha guud ee dadka ku nool xeryaha qaxootiga, deegaanada Dadaab , Faafi iyo Koonfurta Wajeer.
Boqolaal gaadiid iyo shacab badan ayaa ku go’doonsan waddada oo gabi ahaanba xiran waxaana ciriiri galay isku socodka oo muhiim u ah dhaqaalaha iyo ganacsiga xeryaha Dadaab iyo dalka intiisa kale.
Waxaa waddada ku hallaabay qudaar badan ka dib markii la waayay meel la mariyo tani oo uu khasaare dhaqaale ka soo gaaray ganacsatada.
Gaadiidka dadwaynaha gaar ahaan takaasida ayaa sameeya kala wareeg waxayna dadka safarka ah oo sacado badan lugeeya meelaha qaar ku kala waregaan baaburta oo jidka melaha uu ka go’ay dhinacyada ka taagan.
Dhanka kale waxaa aad u kordhay qarashka ama nooliga lagu raaco baabuurta tusaale waxaa horaan takaasida Dadaab ilaa Garissa lagu raaci jiray 1000 shilin ilaa 1500 oo shilin hasa ahaate hadda goobaha kala wareegga oo badan iyo xaaladda oo is beddeshay qofka rakaabka ah wuxuu Garissa ilaa Dadaab ku imaan lacag u dhexeysa 5,000 ilaa 6,000 oo shilinka dalka ah.
Wadayaasha gaadiidka ku xayiran waddadan waxaa ka go’day sahaydii waxayna sheegayaan inay la dhibban yihiin cunno la ‘aan, kaneeco, halaqyo ay biyaha wataan .
Waddada u dhexeysa Dadaab iyo Garissa oo maritaankeeda rafaad badan lagala kulmaya ayaa lagu arkaya dad isugu jira carruur, wayeel ,dumar iyo xitaa dad xanuunsan oo ay saacado badan ku qaadato inay gaaraan goobaha kala wareega.
Dhanka kale maciishadda xeryaha qaxootiga ah ayaa cirka isku shareertay waxaana gabi ahaanba xeryaha muddo ka badan 3 toddobaad aan soo galin oo ka go’an qudaarta qaybaheeda kala duwan oo horaan uga imaan jirtay magaalada Garissa.
Sidoo kale qiimaha cunnada daruuriga ah ayaa aad sare ugu kacay waxayna dadku kuu shegayaan inaynan hadda iibsan karin cuntooyinka sida bariiska ,burka iyo sokorta.
Gudaha xeryaha waa ay kala xiran yihiin jidadkuna waa ay go’an yihiin.
Sidoo kale arrinkan ayaa saameyn ballaaran ku yeeshay adeegga hay’adaha gargaarka ee ka howlgalo Dadaab waxaana gabaabsi ah shidaalkii taasi oo mugdi galisay adeegga hay’adaha samafalka ah ay siiyaan dadka qaxootiga.
Waxaa hadda shidaal la’aan ah ceelasha ay dadka qaxootiga biyaha ka cabbaan oo ay shidaalka siinayeen hay’adaha samafalka tani oo keentay in qaybaha kala duwan ee xeryaha laga soo tabiyo oomane iyo in aysan soo dhicin tubooyinkii qaxootiga .
Roobabka oo wali socda, biyaha oo sii badanaya ayaa keentay inay cabsidu sii badato waxaana jira dad badan oo ka barakacay guryahoodi iyo goobihii ay ku noolaayeen ka dib markay daadadku galeen guriyaha xeryaha qaxootiga waxaana ugu daran xeryaha IFO 1, Dhagaxleey iyo IFO 2 in kastoo xerada Xagardheer ay iyadana kala xiran tahay.
Dhanka deegaanka Dadaab magaalooyinka Calikunne iyo kumaxumaato ayaa ugu daran oo laga qaxay dadkuna wali guryahooda ka maqan yihiin daadadkuna wali socdaan.
Ma jiro wax dadaal ah oo ay muujinayaan dowladda dhexe, ismaamulka Garissa iyo hay’adaha samafalka oo lagu furaya waddada xiran ee u dhexeysa Dadaab iyo Garissa.
Waxaa sidoo kale aan arrinkan ka hadal mas’uuliyiinta deegaanka waxayna qaylo dhaan iyo dhaliil culus ka soo yeeraysa dadka shacabka oo ay saameeyeen biyaha badan ee roobabka.
Waxaa warbixintan Dadaab ka soo diray Maxamad Baaruud Xuseen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments