Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa hoggaamiyaha isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja-One Kenya Raila Odinga ka dalbaday inuu caddeymo u keeno dhaliillo uu u jeediyay dowladda dhexe oo ku saabsan heshiisyo shidaal .
Tani ayaa timid ka dib markii Raila Odinga uu sheegay in heshiis shidaal oo ay dowladdu la gashay waddamada carbeed uu yahay mid khiyaano ku saleysan.
Hasa ahaate hoggaamiyaha dalka ayaa Raila ka dalbaday inuunan eedeymo keliya jeedin oo uu soo bandhigo caddeymo loo cuskan karo.
Iyadoo madaxa mucaaradka uu dowladda ka dalbaday inay heshiiskan caddeyso ayuu madaxweynaha dalka sheegay in is-afgaradkaasi uu yahay mid aan qarsoonayn oo xita baarlamaanka dalka uu ka war qabo.