Madaxweyne ku xigeenka dalka Rigathi Gachagua ayaa sheegay in ugu yaraan 80,000 oo qoys ay saameyn ka soo gaartay fatahaadaha ka dhashay roobabka culus ee wadanka ka da’aya.
Gachagua ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in tirada ismaamullada ee ay daadadka ku dhufteen oo horay ahayd 19 ay hadda tahay 33 dowlad deegaan.
Waxaa uu intaasi ku daray in la rajeynaya in roobabka culus ee El Nino ay sii da’aan ilaa horraanta sanadka dambe ee 2024-ta.
Ismaamullada ugu daran marka la eego saameynta daadadka ayaa kala ah Mombasa, Garissa, Tana River, Makueni, Marsabit, Kilifi, Kwale, Meru, Isiolo, Turkana, Samburu, Wajeer, Homa Bay, iyo Busia.
Gachagua ayaa sheegay in dowladdu ay xoojisay howlaha falcelinta ee la xiriira saameynta roobabka.
Waxaa uu xusay in dadka fatahaadaha ku barakacay gargaar isugu jiro cunto iyo waxyaabaha kale ee aasaasiga ah loogu geynaya diyaaradaha qummaatiga u kaca .
Waxaa uu intaasi ku daray in xarun laga hirgeliyay xarunta dhexe ee ciidamada difaaca dalka ee KDF-ta si dhow lagula socdo waxyaabaha soo kordhaya.
Madaxweyne ku xigeenka dalka ayaa sidoo kale sheegay in dowladda dhexe ay lacago u qoondeysay in dib loo dayactiro kaabayaasha ku buburay daadadka.
Sidoo kale waxaa la xoojiyay kormeerka looga hor tagaya inay dillaacaan cudurrada biyaha ku faafa sida daacuunka.
Rigathi Gachagua ayaa dowladaha ismaamullada ugu baaqay inay lacago dheeraad ah u qoondeeyaan inay kabaan dadaallada dowladda dhexe ee lagu xakameynaya xaaladaha jira.
Sidoo kale waxaa uu kula taliyay inay furaan meelaha biya mareenka ah ee xirmay isagoo saaxiibbada Kenya ka codsaday inay sare u qaadaan taageeradooda maaliyadeed,midda farsamo iyo tasiilaadka kale.
Madaxweyne ku xigeenka dalka Rigathi Gachagua ayaa ugu dambeyn kenyaanka ku nool meelaha uu jooggoodu hooseeyo ama u nugul dhul go’a kula taliyay inay u guuraan meelo sare.