Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Madaxweynaha dalka oo u ambabaxaya Jarmalka

Madaxweynaha dalka oo u ambabaxaya Jarmalka

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa u ambabaxay dalka Jarmalka ka hor inta uunan u sii gudbin Faransiiska.
Waxaa uu  sheegay inuu halkaasi u tagaya qorsheynta sidii 200,000 oo qof oo kenyaan ah ay u heli lahaayeen fursado shaqo.
Madaxweynaha ayaa xilli uu ku sugnaa deegaanka Sotik ee ismaamulka Bomet sheegay in madaxa dalka Jarmalka Olaf Scholz xilligii uu Kenya yimid bishii Shanaad ee sanadkan uu oggolaaday in wadankaasi ay ka shaqeeyaan 250,000 qof oo kenyaan ah oo leh xirfado kala duwan.
Hoggaamiyaha dalka oo ka hadlaya waxyaabaha uga qorsheysan Jarmalka iyo Faransiiska ayaa yiri.

Afhayeenka madaxtooyada dalka ee State House, Xuseen Maxamad ayaa bayaan ku sheegay in safarrada madaxweyne William Ruto uu 20-ka iyo 21-ka bishan ku tagaya Jarmalka iyo Faransiiska looga gol-leeyahay in la xoojiyo xiriirka dhaqaale ee Kenya kala dhexeya waddamada Midowga Yurub.
Sidoo kale William Ruto ayaa u ololeyn doono in caalamka uu ku heshiiyo wax ka qabashada saameynta isbeddelka cimillada ka hor inta aan shirka arrimahan ku saabsan ee COP28 aan lagu qaban magaalada Dubai ee dalka Isutagga Imaaraadka Carabta.
Madaxweynaha ayaa magaalada Berlin ee Jarmalka kula kulmi doono madax kala duwan si uu uga dhaadhiciyo in Kenya ay tahay meel qaaradda Afrika loogu soo hirto dhanka maalgashiga.
Dhanka Faransiiska, waxaa uu madaxweyne William Ruto magaalada Strasbourg khudbad ugu jeedin doonaa baarlamaanka Midowga Yurub oo ka kooban 705 xubnood.
Waxaa uu qorshuhu yahay inuu khudbadiisa diiradda ku saaro dadaallada nabadeed ee ay Kenya ka wado gobolka iyo waxyaabaha ay ka qabanaysa isbeddelka cimillada.
Xuseen Maxamad ayaa bayaanka ku sheegay in wada hadallada uu madaxweyne William Ruto la soo yeelan doono hoggaamiyaasha Jarmalka iyo Faransiiska ay hor u dhac u yihiin iskaashi dhaqaale oo ay bisha 12-aad ee sanadkan wada saxiixan doonaan Kenya iyo Midowga Yurub.
William Ruto ayaa sidoo kale la kulmi doono madaxa baarlamaanka EU-da Roberta Metsola.
Sidoo kale waxaa uu madaxweynaha dalka kulan la qaadan doonaa dhigiisa Faransiiska Emmanuel Macron oo ay ka wada hadlayaan dhaqangelinta mashaariicda kaabayaasha muhiimka ah.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments