Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Caalamka Boqorka Jordan oo ku baaqay xabbad joojin degdeg ah

Boqorka Jordan oo ku baaqay xabbad joojin degdeg ah

Boqorka Jordan Boqor Cabdullahi ayaa sheegay in loo baahan yahay in Qaza ay ka dhaqan gasho xabbad joojin degdeg ah.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in tani ay ka hor tag u noqon karto xaalad baniaadannimo oo aad u wayn.
Beesha caalamka ayuu boqorka Jordan ugu baaqay inay xoogga saarto sidii lagu soo afjari lahaa waxaa uu ku tilmaamay dagaalka foosha xun ee ay Israa’iil ku hayso rayidka Falastiin.
Dhanka kale madaxa siyaasadda dibadda ee Midowga Yurub Josep Borrell ayaa maanta sheegay inay qasab tahay in la dhaqan geliyo qaraarkii golaha ammaanka ee qaramada midoobay ee ku aaddanaa joojinta duqeymaha si fursad loo siiyo howlaha gargaarka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments