Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya EACC oo heshay fasax ay ku xannibaysa hantida barasaabkii hore ee Kakamega

EACC oo heshay fasax ay ku xannibaysa hantida barasaabkii hore ee Kakamega

Guddiga anshaxa iyo la dagaalanka musuqmaasuqa ee EACC ayaa helay oggolaansho maxkamadeed oo uu ku xannibaya hantida guddoomiyihii hore ee ismaamulka Kakamega Wycliffe Oparanya.
Arrintan ayaa saameynaysa hanti uu qiimaheedu yahay 28.9 milyan oo shilin.
Oparanya ayaa ku eedeysan ku lug lahaanshaha fadeexad lagu lunsaday 1.3 bilyan oo shilin.
Maxkamadda sare ee dalka ayaa EACC u oggolaatay inay hantida siyaasigan xannibaad saarto ilaa iyo inta laga soo gabagabeynaya baaritaannada ka dhanka ah.
Garsoore Esther Maina ayaa Oparanya, shirkadaha gaarka ah ee lala xiriirinaya ama wakiilladiisa ka hor istaagtay inay lacagtan ka saaraan akoonnada bangiyeed ama ay mid kale ku wareejiyaan muddo 6 bilood ah.
Dacwaddan ayay mar kale maxkamaddu soo qaadi doontaa 11-ka bisha 6-aad ee sanadka 2024.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments