Saacadaha bandowga habeenkii ee 5-ta ismaamul ee la xayiray oo aan la beddeli doonin ilaa dabayaaqada bisha Shanaad

0
897

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo isku duwidda howlaha qaranka Dr. Fred Matiang’i ayaa sheegay in saacadaha bandowga habeenkii ee 5 ka mid ah ismaamullada dalka aan wax dib u eegis ah lagu sameyn doonin ilaa iyo 29-ka bisha Shanaad ee May ee sanadkan.
Dowlad deegaannadan ayaa kala ah Nairobi, Machakos , Kajiado , Nakuru iyo Kiambu.
26-kii bishii hore ayay ahayd markii madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta uu shaaciyay in bandowga habeenkii ee ka jiro guud ahaan dalka inta u dhexeysa 10-ka habeenimo ilaa 4-ta aroornimo uu ismaamulladan ka billaabanaya 8-da fiidnimo.
Saacadaha la soo horumariyay ayuu madaxweynaha wadanka u aaneeyay in kiisaska cudurka COVID-19 ee sida maalinlaha ah loo diiwaangeliyo ay ku badan yihiin 5-ta dowlad deegaan ee la mamnuucay in la soo galo ama laga baxo in kasta oo dhexdooda la iskaga kala gooshi karo.
Dr. Fred Matiang’I ayaa cadeeyay in si guud bandowga habeenkii dalka oo dhan saaran aan la qaadi doonin ka hor 29-ka bisha Shanaad.
Tani ayaa imaanaysa iyada oo tirada guud ee dadka uu haleelay cudurka COVID-19 gudaha Kenya ay tahay 147,147 qof sida ay shalay shaacisay wasaaradda caafimaadka ee dalka.