Wasaaradda caafimaadka oo dadweynaha ugu baaqday inay ka taxadaraan daadadka

0
161

Wasaaradda caafimaadka ee dalka ayaa shacabka u dirtay digniin ku aaddan saameynta daadadka ku dhuftay qaybo badan oo wadanka ka mid ah.
Waxaa dadweynaha lagu boorriyay inay aad uga taxadaraan inay gudbaan meelaha ay biyaha ka buuxaan, wabiyaha iyo badaha si aynan waxyeello uga soo gaarin.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo meelaha laga dareemaya saameynta ugu badan ee daadadka ay ka mid yihiin ismaamullada gobollada Xeebta iyo Waqooyi Bari.