DHAGEYSO:Madaxweynaha dalka oo sheegay in laga billaabo bisha Diseembar ay Kenya bixin doonto deymaha shisheeye

0
229

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa shaaca ka qaaday in laga billaabo bisha soo socoto ay Kenya bixin doonto deymaha shisheeye ee lagu leeyahay.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in wadanka uu hadda culeys dhaqaale wajahaya maadaama aan la bixin deymo horay loo qaatay.
Hoggaamiyaha dalka ayaa carrabka ku adkeeyay in markii uu talada wadanka la wareegayay ay caqabado jireen balse ay isbeddel ku sameeyeen dhaqaalaha sidaasi awgeedna dhawaan la guda geli doono in la bixiyo deymaha Kenya lagu leeyahay.
Sidoo kale waxaa uu ka hadlay amaah lacageed oo uu dhawaan sanduuqa caalamiga ee lacagaha ee IMF uu siiyay dalka isagoo intaasi ku daray in hay’adaha kale ee horumarka ay diyaar u yihiin inay la shaqeeyaan maamulkiisa.

Dhanka kale madaxweyne William Ruto ayaa xilli uu ku sugnaa ismaamulka Murang’a ee gobolka bartamaha dalka waxaa uu shacabka ugu baaqay inay xoojiyaan midnimadooda oo ay ka waantoobaan kala qaybsanaanta qabyaaladda ku saleysan.