156 qoys oo ku barakacay daadadka saameeyay Garsen oo ka tirsan Tana River

0
289

Hay’adda Laanqayrta Cas ee dalka ayaa sheegtay in qoysas gaaraya 156 ay ku barakaceen daadad ku dhuftay tuulada Bandi oo ka tirsan deegaanka Garsen ee ismaamulka Tana River.
Waxaa laga cabsi qabaa in tirada barakacayaasha ay sii kororto.
Hay’adda ayaa laga soo xigtay in ugu yaraan 20 carruur ah iyo hooyooyinkooda la geeyay xero dhawaan laga furay meel u dhow magaalada Garsen.
Waxay hay’addu tirada guud ee qoysaska fatahaadaha ku barakacay ku sheegtay ugu yaraan 11,000.
Waaxda barnaamijyada gaarka ah ee dowladda hoose ee ismaamulka Tana River iyo hay’adda laanqayrta cas ayaa iska kaashanaya in qoysaska barakacay la gaarsiiyo gargaar cunno iyo agabka kale ee guriyaha lagu isticmaalo.
Waxaa durbaba dib u dhis lagu billaabay waddada u dhexeysa Garissa-Bura-Tana-Hola-Malindi ilaa Mombasa oo ay saameyn ka soo gaartay fatahaadda .
Sidoo kale waddooyinka burburay waxaa ka mid ah kuwa aagga Mikinduni ee magaalada Hola.