Waxaa la filayaa in saraakiisha booliiska ee dalka , kuwa asluubta iyo howlwadeennada adeegga qaran ee dhallinyarada ee NYS loo kordhiyo mushaarka billaha ah ee ay qaataan haddii la ansixiyo soo jeedin ka timid guddi uu hoggaaminaya madaxii hore ee waaxda cadaaladda wadanka David Maraga.
Tani ayaa timid ka dib markii guddigan oo loo xil saaray inuu dabagal ku sameeyo daryeelka saraakiisha amniga uu warbixintiisa u gudbiyay madaxweynaha dalka William Ruto.
Maraga iyo xubnaha kale ayaa ku taliyay in booliiska, ciidamada asluubta iyo saraakiisha NYS mushaarkooda la kordhiyo boqolkiiba 40.
Qorshahan ayay doonayaan in lagu dhaqan geliyo saddex sano.
Guddiga uu hoggaamiyo David Maraga ayaa qiimeyn sameynayay qiyaastii muddo sanad ah.
Waxay sidoo kale soo jeediyeen in dib u eegis lagu sameeyo caymiska caafimaad ee ay saraakiisha ammaanka isticmaalaan.
Madaxweyne William Ruto ayaa ka dib markii uu warbixinta guddoomay waxaa uu guddiga mushaaraadka iyo gunnooyinka ee SRC uu ku amray inuu billaabo isbeddello arrinkan ku aaddan.
Hoggaamiyaha dalka ayaa intaasi ku daray in dhaqangelinta qorshahan ay u baahan tahay xeer uu baarlamaanka ansixiyo sidaasi awgeedna ay muddo qaadan karto ka hor inta ciidamada aynan ka faa’iidaysan isbeddellada lagu wanaajinaya xaaladaha ay ku shaqeeyaan.
Madaxweynaha ayaa xusay in warbixinta Maraga lagu soo bandhigay in caqabadda ugu wayn ee la doonayo in lala tacaalo ay tahay musuqmaasuqa saameeyay waaxyahan.