Madaxweyne ku xigeenka dalka oo ku baaqay in haweenka , dhallinyarada iyo naafada la siiyo qandaraasyada dowladda

0
277

Ku xigeenka madaxweynaha dalka Rigathi Gachagua ayaa saraakiisha qaabilsan bixinta qandaraasyada ka dalbaday inay mudnaan siiyaan haweenka, dhallinyarada iyo dadka qabo baahiyaha gaarka ah.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in shakhsiyaadkan aan fursad loo siin inuu ganacsi kala dhexeyo dowladda.
Mr. Gachagua ayaa arrinkan ka sheegay shirka labaad ee wada hadallada ku saabsan qandaraasyada oo lagu qabtay ismaamulka Mombasa.
Waxaa uu xusay in sida ku qeexan dastuurka dalka ay qasab tahay in haweenka, dhallinyarada iyo dadka qabo baahiyaha gaarka ah la siiyo boqolkiiba 30 ee qandaraasyada ay bixiyaan waaxyaha dowladda.
Hoggaamiyaha labaad ee dalka ayaa carrabka ku adkeeyay inay jiraan saraakiil qaabilsan bixinta qandaraasyada oo la shaqeysta shirkadaha dowladda ku wareejiyo agabka ama adeegyada u fidiya taasoo mararka qaar sababta in dadka mudan aan la siin.