Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa Israa’iil ku tilmaamay maamul argagixiso oo dembiyo dagaal ka gaysanaya gudaha Qaza sidoo kalena ku xadgudbaya xeerarka caalamiga ah.
Xilli uu la hadlayay xeer dejiyaasha Turkiga ayuu Erdogan sheegay in Xamaas aynan ahayn hay’ad argagixiso balse ay tahay urur siyaasadeed oo ay doorteen shacabka Falastiin.
Sidoo kale waxaa uu Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ka dalbaday inuu shaaciyo in Israa’iil ay haysato hubka nukliyeerka iyo in kale.
Erdogan ayaa xusay in dowladda Turkiga ay saaxadda caalamiga ah uga shaqeyn doonto in dadka ka soo jeedo Israa’iil ee sida sharci darrada ah ku deggan Falastiin loo aqoonsado inay argagixiso yihiin.
Madaxweyne Erdogan ayaa si joogto ah u dhaliilayay duqeymaha Israa’iil ee Qaza tan iyo weerarkii Xamaas ee 7-dii bishii hore.