Kenya iyo Romania oo wada saxiixday heshiisyo gaaraya afar

0
263

Dowladaha Kenya iyo Romania ayaa sheegay inay ka go’an tahay sare u qaadidda xiriirka iyo iskaashiga dan wadaagga ku saleysan ee ka dhexeeya.
Madaxweynaha dalka William Ruto oo dhigiisa Romania ,Klaus Werner ku qaabilay xarunta madaxtooyada ee State House ee magaalada Nairobi ayaa sheegay in labada waddan ay doonayaan inay xoojiyaan ganacsiga iyo maalgashiga.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in Kenya ay daneynaysa inay kordhiso maalgashiga shisheeye ee tooska ah.
Madaxweynaha dalka Romania ayaa dhankiisa xusay in xasiloonida ka jirto wadanka ay uga faa’iidaysanayaan in Kenya ay ka sameeyaan maalgashi ballaaran oo loogu soo hirto qaaradda Afrika.
William Ruto iyo dhigiisa Romania ayaa wada hadalladooda diiradda ku saaray arrimaha ganacsiga , dhaqaalaha , siyaasadda iyo dibloomaasiyadda.
Heshiisyada ay si wadajir ah qalinka ugu duugeen ayaa kala ah badbaadinta deegaanka iyo la tacaalidda saameynta isbeddelka cimillada ,iskaashiga dhanka fayadhowrka , daaweynta xoolaha, wax ka qabashada cunno yarida , cilmi baarista dhanka beeraha iyo iskaashiga dhanka arrimaha dibloomaasiyadeed.
Dhanka kale madaxweyne William Ruto ayaa ku baaqay in xal nabadeed loo helo colaadda ka dhexeysa waddamada Ruushka iyo Ukraine.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in dagaalkaasi uu Afrika u horseeday caqabado waawayn oo dhanka dhaqaalaha ah.
Madaxweynaha Romania ayaa sheegay in dowladiisa ay Kenya ku taageeraysa dadaallada amni ee ay ka wado qaaradda Afrika iyo qorshaha qaar ka mid ah ciidamadeeda ay ku gaynaysa wadanka Haiti.