Ciidamada booliiska ayaa loo oggolaaday inay muddo 10 cishe ah xabsiyada ku sii hayaan shan eedeysanayaal.
Shakhsiyaadkan ayaa lala xiriirinaya fal 94 milyan oo shilin looga dhacay suuqa laga dukaameysto ee Quickmart Supermarket.
Booliiska ayaa laga doonaya in maalmaha dheeraadka ee la siiyay ay ku soo gabagabeeyaan baaritaannada ka dhanka ah Ismael Patrick, Michael Matolo, Samuel Onyango, Martin Nderi iyo James Mbatia .
Tuhmanayaasha ayaa ilaa 27-ka bishan ku jiri doono saldhigga booliiska ee Capitol hill.
Maxkamadda ayaa xilligaasi mar kale soo qaadi doonto dacwadaha ay wajahayaan.
Garsoore Zainab Cabdul ayaa sheegtay in lacag badan laga dhacay suuqa Quickmart sidaasi awgeedna laamaha ammaanka ay u baahan yihiin muddo dheeraad oo ay baaritaannada ku soo afjari karaan.
Waxay intaasi ku dartay in waaxda dacwad oogidda ay maxkamadda ku wargelisay in dib loo soo helay 1.9 milyan oo ka mid ah lacagtii dhexda lagala baxay oo aan la geyn bangiga Family Bank ee bartamaha caasimadda dalka.
Maxkamadda ayaa sidoo kale amartay in eedeysanayaasha kala ah Patrick, Matolo, Onyango iyo Mbatia la geeyo isbitaalka si loo daaweeyo halka Nderi lagu daryeelaya gudaha saldhigga booliiska.
Dhammaan eedeysanayaasha waxay ka howlgalaan shirkadda bixisa adeegyada amniga ee Wells Fargo waxaana loo haystaa inay dhaceen lacagta lagu waday in loo keydiyo suuqa Quickmart ee shirkadda la soo mariyay.