Safaaradda dowladda Shiinaha ay ku leedahay magaalada Nairobi ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay inay meesha ka saartay nidaamkii hore ee dadka doonaya in la siiyo dal ku galka ama fiisaha wadankaasi ay ballamo sii qabsan jireen.
Arrintan ayaa si rasmi ah u dhaqan galaysa laga billaabo 20-ka bishan 11-aad.
Cid kasta oo doonaysa dal ku galka Shiinaha ayaa codsigeeda ku gudbin doonto qaab online ah waxaana si toos ah loogu wareejinaya xarunta adeegga dal ku galka ee safaaradda Shiinaha ee Nairobi.
Bayaanka waxaa ku cad in tallaabadan ay tahay mid lagu fududeynaya howlaha bixinta dal ku galka.