Waxaa la xaqiijiyay in 12 ruux ay dhaawacyo ka soo gaareen shil laga soo tabiyay waddada u dhexeysa magaalooyinka Kisumu iyo Bondo.
Dadkan ayaa hadda lagu daaweynaya isbitaalka deegaanka Bondo ee ismaamulka Siaya.
Shilka ayaa xalay fiidkii ka dhacay meel u dhow tuulada Ajigo.
Baabuur ay rakaabkan saarnaayeen oo ka yimid Bondo oo ku wajahnaa Kisumu ayaa waxaa dillaacay mid ka mid ah taayarradiisa taasoo keentay in gaariga uu waddada ka baxo ka hor inta uunan rogman.
Waxaa shilka xaqiijisay ku xigeenka guddoomiyaha tuulada Ajigo, Emily Awimbo oo sheegtay in aynan jirin dhimasho ka dhalatay shilka.
Madaxa isbitaalka Bondo ,Dr. Michael Oduor ayaa dhankiisa sheegay in labo ka mid ah 12 qof oo halkaasi la geeyay dhaawacyada soo gaaray ay yihiin kuwo culus halka dhaawacyada kale ay fudud yihiin.
Toddobaad ka hor ayay ahayd markii hal qof uu ku dhintay shil ka dhacay meel u dhow xarunta ganacsiga ee Akala ee waddada xiriirisa Bondo iyo Kisumu .