Madaxweynaha dalka oo la kulmay hoggaamiyaha golaha ku meel gaarka ah ee Suudaan

0
243

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa xarunta madaxtooyada ee State House ee magaalada Nairobi kulan kula qaatay madaxa golaha ku meel gaarka ah ee hoggaamiya Suudaan Generaal Cabdel-Fattaax Al- Burhaan.
Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay xaaladihii ugu dambeeyay ee amniga dalka Suudaan iyo si guud gobolka.
Sidoo kale waxay isla qiimeeyeen geeddi socodka wada hadallada nabadeed ee ka socdo magaalada Jeddah ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya ee ay hormuud u yihiin Sacuudiga, Maraykanka iyo urur goboleedka IGAD oo matalaya Midowga Afrika.
Wada hadalladan ayaa la doonaya in xal waara loogu helo dagaallada u dhexeya ciidamada militariga Suudaan iyo saraakiisha RSF.
Madaxweyne William Ruto iyo Cabdel-Fattaax Al-Burhaan ayaa sheegay inay muhiim tahay in si degdeg ah loo xalliyo dagaallada Suudaan muddo kooban gudaheeda.
Waxay isku afgarteen in la dardargeliyo wada hadallada nabadeed ee socda iyo gargaarka baniaadannimo.
Sidoo kale waxay isla qaateen in la qabto kulan degdeg ah oo uu yeelanaya urur goboleedka IGAD si wada xaajoodyada ku saabsan arrimaha dalka Suudaan ay u noqdaan kuwo loo dhan yaahy.
Madaxweyne William Ruto ayaa xusay inuu arrimahan la wadaagin doono guddoomiyaha urur goboleedka IGAD.
Dagaallada u dhexeya militariga Suudaan iyo saraakiisha sida militariga u tababaran ee RSF ayaa waxaa lagu dilay ku dhawaad 10,000 oo ruux.
Sida laga soo xigtay qaramada midoobay , waxaa colaadda ku barakacay in ka badan 3 milyan oo qof.