DHAGEYSO:Arday ka mid ah kuwa KCSE-da sameynaya oo ku geeriyooday goob uu dabaal u tagay

0
258

Xildhibaanka deegaanka Koonfurta Wajeer Maxamad Cadow iyo wakiilka deegaanka hoose ee Habasweyne Axmad Dhicis Xaaji ayaa tacsi u diray qoyska uu ka baxay wiil shalay subax imtixaanka fasalka afaraad ee dugsiyada sare ee KCSE-da ka sameeyay magaalada Habasweyne ee ismaamulka Wajeer oo ku geeriyooday war uu u tagay inuu ku soo dabaasho.
Mas’uuliyiintan ayaa dhanka kale waalidiinta ugu baaqay in xilligan oo ay ardayda ku jiraan fasax dugsiyeedka ay si dhow ula socdaan dhaqdhaqaaqa carruurtooda.