Guddoomiyaha golaha suuqgeynta xoolaha nool ee dalka kana mid ah waxgaradka gobolka Waqooyi Bari Dubat Cali Camey oo ka tacsiyadeeyay geeridii ku timid Alle ha u naxariistee Prof.Sheekh Maxamad Nuunow oo xalay ku geeriyooday Wajeer ayaa dhanka kale barasaabyada ismaamullada Garissa, Wajeer iyo Mandera ugu baaqay inay guddi u saaraan sidii loo qori lahaa taariikhda ama sooyaalka gobolka.
Waxaa tacsi tani la mid ah diray guddoomiyaha dadka qabo baahiyaha gaarka ah ee Garissa Aadan Bile Xasan.