Cumaan oo uu ka dhaqan galay bandow habeenkii ah

0
405

Dowladda dalka Cumaan ayaa ku dhawaaqday bandow jiraya xilliga habeenka si loo yareeyo isku socodka bulshada loogana hor tago faafitaanka cudurka COVID-19.
Xayiraaddan ayaa sidoo kale saameynaysa howlaha ganacsiga .
Waxaa sidoo kale la mamnuucay isku imaatin kasta oo dadweyne.
Guddiga sare ee dowladda Cumaan ay u xilsaartay la tacaalidda xaaladaha caabuqa corona ayaa sidoo kale mamnuucay dhammaan howlaha bulsho , dhaqanka ama cayaaraha.
Amarradan ayaa shaqeynaya inta lagu guda jiro bisha barakeysan ee Ramadaan.
Dr. Cabdullahi Nasser Al-Harrasi oo ah wasiirka warfaafinta ee Cumaan sidoo kalena xubin ka ah guddiga sare ee wadankaas ee COVID-19 ayaa sheegay in xayiraadda la fududeyn karo ama la sii adkeyn karo iyada oo lagu saleynaya sida ay xaaladdu tahay.