DHAGEYSO:Daadad barakiciyay dadka ku nool xerada qaxootiga ee Dhagaxleey

0
174

Xerada qaxootiga ee Dhagaxleey ee deegaanka Dadaab ayaa waxaa soo galay biyo badan oo fatahaad ah, waxayna barakiciyeen qaar ka mid ah dadkii ku noolaa xaafadaha xeradaasi.
Guddoomiyaha xeradaasi Dahabo Qoole Cabdi ayaa warbaahinta Star uga warrantay saameynta fatahaadda xooggan ee xeradaaasi saameysay iyo dadka barakacay.
Waxaa ay baaq u dirtay hay’adaha samafalka ah, si gurmad loo gaarsiiyo dadka ay daadadka barakiciyeen.