DHAGEYSO:Madaxweyne ku xigeenka dalka oo kulan isugu yeeri doono hoggaamiyaasha Meru

0
227

Ku xigeenka madaxweynaha dalka Rigathi Gachagua ayaa ballan qaaday inuu qaban qaabin doono wada hadallo ay yeelanayaan madaxda ismaamulka Meru.
Tani ayaa timid ka dib markii uu fashilmay isku day hore oo ku aaddanaa in la heshiisiiyo barasaabka Meru ,Kawira Mwangaza iyo hoggaamiyaasha kale.
Waxay arrintan ku soo beegmaysa maalmo un ka dib markii aqalka sare uu dhinac iskaga dhigay mooshin ay wakiillada golaha hoose ee Meru xilka uga qaadeen Mwangaza .
Rigathi Gachagua ayaa xilli uu munaasabad kaniiseed uga qayb galay ismaamulka Embu hoosta ka xarriiqay in kulanka uu isugu yeeri doono mas’uuliyiinta looga gol-leeyahay in lagu xalliyo oo lagu soo afjaro isqabqabsiga hoggaamineed ee saameeyay xubnaha golaha hoose ee Meru, xildhibaannada baarlamaanka iyo barasaabka dowlad deegaankaasi.