Madaxweynaha dalka oo shir uga qayb galaya Sacuudiga

0
280

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa maanta ka qayb galaya shir lagu qabanaya magaalada Riyadh ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya .
Kulanka oo ka dhacaya xarunta shirarka caalamiga ee King Cabdulcasiis ayaa u dhexeya Sacuudiga iyo waddamada qaaradda Afrika.
Waxaa madaxweynaha halkaasi ku soo dhaweeyay ku xigeenka duqa magaalada Riyadh dhaxalsuge Maxamad bin Cabdulraxmaan bin Cabdulcasiis Al Saud.
Kulanka ayaa ah madal la doonayo in looga wada hadlo sare u qaadidda iskaashiyada dhanka ganacsiga, maalgashiga , amniga, tamarta , cilmi baarista iyo horumarka.
Shirka ayaa madaxda ka qayb galaysa fursad u siinaya inay wax ka qabtaan caqabadaha heer goboleed iyo kuwa caalamiga ah.
Sida laga soo xigtay qaban qaabiyaasha shirka Riyadh , waxaa ka qayb galaya ilaa 50 madaxweyne oo ka soo jeedo Bariga Dhexe iyo Afrika.
Marka laga soo tago madaxweyne William Ruto , hoggaamiyaasha kale ayaa ah madaxweynaha Nigeria Bola Axmad Tinubu, Isaias Afwerki(Eritrea),madaxweynaha ku meel gaarka ah ee Gabon Brice Clotaire Oligui Nguema,hoggaamiyaha Mauritania Maxamad Ould Ghazouani,dhigiisa Mauritius Prithvirajsing Roopun,madaxweynaha Malawi Lazarus Chakwera, Samia Suluhu Xasan (Tanzania)Xasan Sheekh Maxamuud (Soomaaliya ) iyo Ra’iisul Wasaaraha dalka Niger (Cali Mahamane Lamine Zeine).
Safarka uu madaxweyne William Ruto ku tagay Sacuudi Carabiya ayaa ah midkii 40-aad ee dibadeed tan iyo intii uu hoggaanka qabtay sanadkii hore.
In kastoo arrinkan lagu dhaliilay waxaa uu isku difaacay in safarradiisa qurbaha ay yihiin kuwo ay dani ugu jirto wadanka.