QM oo sheegtay in dagaallada Myanmar ay ku barakaceen 50,000 oo qof

0
245

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in dagaallo ka dhacay Waqooyiga dalka Myanmar ay ku barakaceen 50,000 qof oo shacab ah.
Tani ayaa timid ka dib markii kooxo beeleed hubeysan oo is garabsanaya ay billaabeen duullaan ka dhan ah militariga labo toddobaad ka hor.
Kooxahan ayaa sheegay inay militariga Myanmar kala wareegeen saldhigyo badan oo ku yaalla duleedka sidoo kalena ay hor istaageen marinnada ganacsi ee Shiinaha.