Madaxa xisbiga EFF oo Koonfur Afrika oo baaq u diray dowladda Kenya

0
321

Madaxa xisbiga mucaaradka ee EFF ee dalka Koonfur Afrika Julius Malema oo wadanka booqasho ku yimid ayaa dowladda Kenya ugu baaqay inaynan marnaba ka daalin in Ingiriiska lagula xisaabtamo xadgudubyadii loo gaystay halyeeyadii u dagaallamayay xurriyadda dalka ee MauMau.
Malema ayaa xilli uu ku sugnaa ismaamulka Makueni madaxweynaha dalka William Ruto ku dhaliilay inuunan ka dhabeyn waxyaabo badan oo uu ballanqaaday oo ay ka mid tahay in laga gudbo isticmaalka lacagta doolarka oo la xoojiyo lacagaha qaaradda Afrika.
Malema ayaa sidoo kale dhaliilay soo dhaweyntii dhawaan loo sameeyay boqorka Ingiriiska King Charles III iyo marwadiisa Queen Camilla .