Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Caalamka Howlaha daadgureynta ajaaniibta Qaza oo dib u billowday

Howlaha daadgureynta ajaaniibta Qaza oo dib u billowday

Waxaa marinka Qaza ee dalka Falastiin dib uga billowday daadgureynta dadka haysta baasaboorrada shisheeye iyo Falastiiniyiinta u baahan daaweyn caafimaad.
Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa ku warramaysa in dadkan la gudbinaya marinka Rafah ee ay Falastiin la wadaagto Masar.
Arbacadii ayay ahayd markii labaad ee la hakiyay in marinka Rafah laga gudbo duqeymaha Israa’iil awgood.
Waxaa shalay Qaza ka baxay 695 qof oo ah dadka haysta baasaboorrada shisheeye iyo xubnaha qoysaskooda ee ku tiirsan.
Waxaa shakhsiyaadkan ka mid ahaa muwaadiniin ka soo jeeda wadanka Masar.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments