Madaxweynaha dalka Faransiiska Emmanuel Macron ayaa ku baaqay in xabbad joojin degdeg ah ay ka dhaqan gasho Qaza.
Baaqan ayuu jeediyay xilli uu caasimadda wadankaasi ee Paris ka furay shirka gargaarka baniaadannimo.
Waxaa uu Macron xusay in hadda loo baahan yahay in laga shaqeeyo sidii lagu badbaadin lahaa rayidka.
Madaxweynaha Faransiiska ayaa carrabka ku adkeeyay inay lagama maarmaan tahay in la hakiyo weerarrada Israa’iil ee Qaza iyadoo laga shaqeynaya sidii xabbad joojin loo sameyn lahaa.