Dowladda oo dayac tir ku sameynaysa waddooyinka ay waxyeellada ka soo gaartay daadadka

0
264

Wasaaradda waddooyinka iyo gaadiidka ee dalka ayaa sheegtay in ay dib u dayactir ku sameyneyso waddooyinkii ay waxyeellada ka soo gaartay roobabka deyrta ay ka da’ay qaybo badan oo ka mid ah wadanka.
Wasiirka wasaaradda waddooyinka iyo gadiidka ee dalka Kipchumba Murkomen, ayaa sheegay in roobabka mahiigaanka ah ee ka da’ay wadanka ay gooyeen waddooyin badan oo ku yaalla wadanka kuwaas oo hakad geliyay isku socodka gaadiidka.
Murkomen ayaa xusay in waddooyin badan oo ku yaalla ismaamullada gobollada Waqooyi Bari iyo Xeebta iyo yihiin meelaha ugu daran.
Waxaa uu intaasi ku daray in dhammaan waaxyaha qaabilsan waddooyinka ay qaadi doona tallaabooyin kala duwan oo lagu yareynayo xaaladda si wax looga qabto.
Wasiirka ayaa ku boorriyay wadayaasha gadiidka iyo darawalada in taxadar badan sameeyaan islamarkaana ay ka fogaadaan goobaha biyaha daadadka gooyeen.