Madaxweynaha dalka oo booqday mashruuca guriyeynta ee Ruiru

0
215

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa saaka socdaal aan horay loo sii shaacin ku tagay halka laga hirgelinaya mashruuca guriyeynta ee Kings Boma Estate ee deegaanka Ruiru oo ka tirsan ismaamulka Kiambu .
Bishii Koowaad ee sanadkan ayay ahayd markii hoggaamiyaha dalka uu dhagax dhigay mashruucan oo ku kacaya lacag dhan 2.8 bilyan oo shilin.
Waxaa halkaasi laga dhisaya guriyo gaaraya 1,050 oo ka kooban labo qol iyo saddex qol.
Goobtaasi ayaa u dhow machadka lagu tababaro saraakiisha asluubta ee dalka.
Qiimaha guriyaha ayaa ka billaabanaya 1.5 milyan oo shilin.
Qorshaha dowladda dhexe ayaa ah in ismaamulka Kiambu ee gobolka Bartamaha dalka laga dhiso 50,000 oo guriyo ah .
Maamulka Kenya Kwanza ayaa sheegay inuu sanad waliba guud ahaan wadanka ka hirgelinaya in ka badan 200,000 oo guriyo ah.