QM oo sheegtay in roobabka El Nino ay sii jiri doonaan ilaa bisha 4-aad ee sanadka dambe

0
431

Jimciyadda qurumaha ka dhexeysa ayaa sheegtay in xaaladaha roobabka culus ee fatahaadda wato ee loo yaqaano El Nino ama Dayr biyo badan ay sii jiri doonaan ilaa bisha Afaraad ee sanadka 2024-ta.
Hay’adda qaramada midoobay ee saadaasha hawada ee World Meteorological Organization(WMO) ayaa arrinkan shaaca ka qaadday.
Waxay intaasi ku dartay in xaaladahan oo isugu jiro roobab badan iyo meelaha qaar oo laga dareemo heerkul sare ay soo billowdeen bilihii Toddobaad ilaa Siddeedaad ee sanadkan.
Waxaa la filayaa inay sare u sii kacaan hadda ilaa bisha 1-aad ee sanadka soo socdo.
Qaramada Midoobay ayaa warbixinteedii ugu dambeysay ku sheegtay in saadaasha la xiriirta in roobabkan ay sii di’i doonaan bilooyin dheeraad ay tahay boqolkiiba 90.