Taalibaan oo aan ka qayb galeyn shirka Turkiga haddi toddobaadkan la qabto

0
648

Kooxda Taalibaan ayaa sheegtay in aynan ka qayb geli doonin kulan looga hadlayo geedi socodka nabadeed ee wadanka Afghanistan.
Afhayeenka kooxda Taalibaan Maxamad Naeem oo farriin u diray wakaaladaha wararka ayaa arrintaan u cuskaday in ay socdaan doodaha ka qaybgalka shirka.
Tani ayaa imaanaysa iyada oo uu qorshuhu yahay in shirkan uu toddobaadkan ka dhaco dalka Turkiga.
Turkiga ayaa marti galinaya kulan ay ka soo qayb galayaan wakiillada qaramada midoobay iyo dowladda Qatar bishaan oo qayb ka ah dadaallada Mareykanka ee uu ku taageerayo heshiis nabadeed oo u dhaxeeya dhinacyada Afghanistan ee dagaallamaya.
Diblomaasiyiin iyo saraakiil ayaa sheegay in la qorsheeyay in kulanka la qaabto 10 maalmood gudahood laga billaabo 16-ka bishaan.
Hayeeshe taariikhda ayaan weli si buuxda loogu heshiin si rasmi ahna loogu dhawaaqin.