Hay’adda Laanqayrta Cas oo walaac ka muujisay heerka biyaha ee Garissa, Tana River iyo Kilifi

0
292

Hay’adda Laanqayrta Cas ee Kenya ayaa walaac ka muujisay heerka biyaha ee ismaamullada Garissa,Tana River iyo Kilifi oo ay sheegtay in biyaha ay gaareen meel sare.
Waxay hoosta ka xarriiqday in dowlad deegaannadan ay halis sare ugu jiraan saameynta fatahaadda.
Kenya Red Cross ayaa intaasi ku dartay inay billowday nidaam digniin joogto ah loogu diraya bulshooyinka u dhow webiga River Tana.