Madaxweynaha dalka oo la kulmay guddoomiyaha EU-da ee arrimaha cimillada

0
223

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa xarunta madaxtooyada ee State House ee magaalada Nairobi kulan kula yeeshay guddoomiyaha Midowga Yurub u qaabilsan la tacaalidda arrimaha cimillada , Wopke Hoekstra.
William Ruto ayaa sheegay in Kenya ay ka go’an tahay inay la shaqeyso saaxiibbada kale ee caalamka sida EU-da si loogu ololeeyo xeerarka waara ee cimillada iyo istaraatiijiyooyinka horseedi karo in barwaaqo la wada gaaro.
Waxaa kulanka madaxweynaha dalka ku wehelinayay madaxa wasiirrada Musalia Mudavadi iyo wasiirrada deegaanka Soipan Tuya.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo uu qorshuhu yahay in laga billaabo 30-ka bishan ilaa 12-ka bisha Diseembar magaalada Dubai ee Isutagga Imaaraadka Carabta lagu qabto shirka arrimaha cimillada ee qaramada midoobay ee loo yaqaano COP28.