Senatarrada aqalka sare ee dalka ayaa maalinkii labaad maanta dhageysan doono mooshinkii xilka looga qaaday barasaabka ismaamulka Meru ,Kawira Mwangaza.
Shalay ayay ahayd markii wakiillada golaha hoose ee Meru ay faahfaahin ka bixiyeen sababaha ay xilka uga qaadeen guddoomiyaha.
Barasaabka oo dhammaan eedeymaha loo jeediyay iska fogeysay ayaa maanta iyadoo ay qareenadeeda matalayaan fursad u heli doonto inay is difaacdo.
Eedeymaha ay wajahaysa waxaa ka mid ah ku tagriifalka lacagaha dadweynaha , qof jecleysi,dhaqamo anshaxa ka baxsan , cabsigelinta iyo lidditaanka hoggaamiyaasha kale.
Sidoo kale waxaa loo haystaa inay sameysay magacaabid sharci darro ah , inay dafirtay awoodaha maxkamadda iyo golaha sidoo kalena ay waddo ninkeeda ugu magacdartay.