Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa sheegay in maamulkiisa uu miisaaniyad u qoondeyn doono bixinta deymaha lagu leeyahay waaxyaha dowladda dhexe.
Ruto ayaa xusay in la joogo xilligii arrintan loo maareyn lahaa si cadaalad ah.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in waajibka saaran dowladda uu yahay inay dardargeliso kobcinta ganacsiyada oo aynan sabab u noqon inay burburaan.
Hoggaamiyaha dalka ayaa carrabka ku adkeeyay inay qasab tahay in kalsooni lagu beero dadka ganacsiga la sameeya dowladda iyagoo lacagahooda la siinaya waqtiga habboon.
Arrintan ayuu ka sheegay xarunta madaxtooyada ee State House ee magaalada Nairobi xilli uu guddoomiyay munaasabad shaaca looga qaadayay guddiga qaabilsan xaqiijinta deymaha.
Waxaa guddigan hoggaaminaya hanti dhowrihii hore ee dalka Edward Ouko.
Madaxweynaha dalka ayaa sheegay in shirkadaha dowladda ku wareejiyo agabka ee isugu jiro kuwo dhexe iyo kuwo yaryar ay ka maqan tahay in ka badan 600 oo bilyan oo shilin.
Waxaa uu tilmaamay in bixinta deymahan ay ka dhigan tahay nidaaminta hannaanka lagu maareeyo arrimaha maaliyadda ee dalka.