Aqalka sare ee dalka ayaa maanta billaabay inuu dhageysto mooshinkii xilka looga qaaday guddoomiyaha dowlad deegaanka Meru, Kawira Mwangaza.
Fadhiyadan oo ay ka qayb galayaan dhammaan senatarrada ayaa la qorsheeyay inay socdaan labo cishe.
Waxay dhageysiga dacwadaha ka dib go’aan ka soo saari doonaan tallaabadii ay 59 ka mid ah wakiillada golaha hoose ee Meru ay xilka uga qaadeen Kawira.
Barasaabka ayaa iska fogeysay eedeymo loo jeediyay oo ay ka mid yihiin ku tagriifalka lacagaha dadweynaha , qof jecleysi,dhaqamo anshaxa ka baxsan , cabsigelinta iyo lidditaanka hoggaamiyaasha kale.
Sidoo kale waxaa loo haystaa inay sameysay magacaabid sharci darro ah , inay dafirtay awoodaha maxkamadda iyo golaha sidoo kalena ay waddo ninkeeda ugu magacdartay.
Waa markii labaad wax ka yar sanad oo uu aqalka sare ee dalka dhageysanaya dacwad xil ka qaadis oo ka dhan ah barasaabka Meru.
Bishii 12-aad ee sanadkii hore ayay ahayd markii guddi ka kooban 11-xubnood uu waxba kama jiraan ka soo qaadi tallaabo ay wakiillada ismaamulkaasi xilka uga xayuubiyeen Kawira Mwangaza.
Guddiga ayaa baaritaano ka dib warbixintiisi uu hor geeyay aqalka sare ku sheegay in eedeymihii loo soo jeediyay barasaabka ee xilligaasi aan la caddeyn.
Hoggaanka golaha hoose ee Meru ayaa maanta soo jeedinaya doodiisa ku aaddan mooshinkii ka dhanka ahaa barasaabka halka berri ay iyada is difaaci doonto.
Waxaa Kawira Mwangaza matalaya qareennada kala ah Elisha Ongoya, Elias Mutuma, Duncan Okubasu, Robert Mutembei, Bridah Kimathi , Batista Muirigi, Antony Mwenda, Collins Mwenda iyo gacan yarahooda Brainlee Maingi.
Wakiillada golaha hoose ee Meru ayaa dhankooda soo bandhigaya marqaati dhowr ah oo ay doonayaan inay caddeyaan eedeymaha ka dhanka ah barasaabka.
Waxaa loo baahan yahay in ugu yaraan 24 senatar ay codkooda ku taageeraan mooshinka xilka looga qaaday barasaabka Meru si ay xafiiska u banneyso iyadoo hadii aan tiradan la helin jagadaasi sii hayn doonto.