Wasiirka maaliyadda oo beeniyay musuqmaasuq la soo tabiyay

0
180

Wasiirka wasaaradda maaliyadda ee dalka Prof. Njuguna Ndung’u ayaa gaashaanka u daruuray musuqmaasuq ay dhawaan shaaca ka qaadday maareeyaha miisaaniyadda dowladda Margaret Nyakang’o.
Waxay haweeneydan sheegtay in wasaaraddu ay ilaa saddex mar kordhisay miisaaniyadda la xiriirta mushaaraadka.
Toddobaadkii hore ayay ahayd markii maareeyaha miisaaniyadda dowladda oo ka soo hormuuqatay guddiga wada hadallada qaran ay sheegtay in wasaaradda maaliyadda ay diwaangelisay mushaaraad badan oo la siiyo iyada iyo saraakiisha sare ee dowladda.
Waxay walaac ka muujisay in wasaaraddu ay sanadkiiba u qoondeysay mushaar dhan 17.82 milyan oo aad uga badan inta ay qaadato.
Waxay intaasi ku dartay in markii dambe qiimahan lagu soo reebay 10.15 milyan oo aan ahayn inta ay sanadkiiba mushaar ahaan u qaadato oo dhan 9.18 milyan oo shilin.
Sidoo kale wasaaradda maaliyadda ayay sheegtay inay madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa u qoondeysay mushaar iyo gunnooyin sanadkiiba ah 42.4 milyan oo shilin in kastoo qiimaha rasmiga uu yahay 32.05 milyan halka lacagta lagu kordhiyay ee aan saxda ahayn balse la qoondeeyay ay tahay 10.35 milyan oo shilin.
Margaret Nyakang’o ayaa sheegtay inay qaladaadkan ogaatay maadaama ay iyaduba saameynayaan.
Waxay intaasi ku dartay in saraakiisha sare ee dowladda aynan badankoodu ka warqabin in lacagaha la siiyo iyo inta la diiwaangeliyay in loo qoondeeyay ay qiimo ahaan isdhaafsan yihiin.
Maareeyaha miisaaniyadda dowladda ayaa dalbatay in arrintan lagu sameeyo baaritaano hanti dhowr oo degdeg ah si loo xalliyo waxa ay ku tilmaantay musuqmaasuqa miisaaniyadeed.
Hasa ahaate wasiirka maaliyadda ee dalka Prof. Njuguna Ndung’u oo hor tagay guddiga wada hadallada qaran ee siyaasadeed ayaa sheegay inuu arrinkan u bandhigay hanti dhowraha guud si uu xaqiiqada u ogaado.
Waxaa uu xusay in aan arrin la iska sheegi karin iyadoo aan xaqiiqooyin loo cuskan karo la soo bandhigin.