Dowladda oo shaacisay in Isniinta dambe ay tahay maalin fasax oo geedo la abuuri doono

0
225

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Prof. Kithure Kindiki ayaa wargelinta rasmiga ee dowladda ku shaaciyay in Isniinta soo socoto ee 13-ka bishan ay noqon doonto maalin fasax qaran ah.
Waxaa maalinkaasi loogu talagalay in geedo la abuuro iyadoo laga faa’iidaysanaya roobabka da’aya.
Arrintan ayuu sheegay in la go’aansaday maalinkii Jimcada ee 3-dii bishan xilli golaha wasiirrada uu shir ku yeeshay ismaamulka Mombasa.
Kindiki ayaa xusay in Isniinta dhammaan kenyaanka laga doonaya inay geedo abuuraan iyagoo waddaniyad muujinaya.
Tallaabadan ayaa ka mid ah dadaallada ay dowladda dhexe ku doonaysa in looga gaashaanto saameynta ka dhalatay isbeddelka ku yimaada cimillada.
Hasa ahaate wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka Prof. Kithure Kindiki ayaa sheegay in maalinkaasi imtixaannada qaran ee fasalka afaraad ee dugsiyada sare ee KCSE-da ay sidii caadiga ahayd u sii socon doonaan.
Waxaa munaasabadda qaran ee geedaha lagu beeraya hoggaamin doono madaxweynaha dalka William Ruto.
Qorshaha dowladda Kenya ayaa ah in muddo 10 sano gudahooda ah la abuuro 15 bilyan oo geedo ah.