Booliiska oo raadinaya labo shaqaale oo dhacay lacag dhan 94 milyan

0
414

Ciidamada booliiska ayaa raadinaya labo ka mid ah shaqaalaha shirkad ka shaqeysa arrimaha nabadgalyada oo ku eedeysan inay la baxsadeen 94.9 milyan oo shilin.
Eedeysanayaasha ayaa la doonayay inay lacagtan geeyaan mid ka mid ah bangiyada ismaamulka Nairobi.
Warbixinta booliiska waxaa ku cad in lacagta laga dhacay shirkad amni oo ku taalla aagga Industrial Area hasa ahaate aan la gaarsiin bangi loo waday oo ku yaalla bartamaha magaalada Nairobi.
Lacagtan oo la soo mariyay shirkadda ayaa waxaa loo keydin rabay dukaan wayn oo laga adeegto.
Labada qof ee la raadinaya ayaa goobta ka soo tagay iyagoo sita baabuurta shirkadda balse aynan wehelin ciidamada booliiska.
Baabuurkii ay isticmaalayeen ayaa markii dambe laga helay aagga Dafam ee xaafadda South C oo u dhow waddada wayn ee Southern Bypass.