Taliyaasha booliiska Bariga Afrika oo uu shir uga socdo Nairobi

0
276

Waxaa ismaamulka Nairobi kulankoodii 7-aad ku yeelanaya taliyaasha guud ee ciidamada booliiska ee waddamada Bariga Afrika oo ku mideysan dalladda iskaashiga ee (EAPCCO).
Waxaa hadda dalladdan hoggaaminaya taliyaha guud ee booliiska dalka Burundi Major General Frederic Budomo.
Kulanka oo ka qabsoomaya Nairobi Safari Club ayaa diiradda lagu saaraya warbixinno kala duwan oo ku saabsan dembiyada abaabulan ee laga gaysto waddamada , habraaca howlgallada , hubka yar iyo kuwa fudud iyo xeerarka sugidda amniga ee gobolka.
Taliyaha guud ee ciidanka booliiska dalka ahna madaxa iskaashiga booliiska ee Midowga Afrika (AFRIPOL) Japhet Koome ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in shirka socdo lagu xoojin doono dadaallada nabad sugidda ee Afrika gaar ahaan la tacaalidda dembiyada abaabulan ee waddamada iskaga gudbo.