Ingiriiska oo xayiraad ka qaaday Bobi Wine

0
212

Boqortooyada Ingiriiska ayaa si rasmi ah u shaacisay inay meesha ka saartay xayiraad dhanka dal ku galka ah oo uu ku dhawaad 10 sano wajahayay madaxa xisbiga NUP ee dalka Uganda Robert Kyagulanyi oo loo yaqaano Bobi Wine.
Bobi Wine ayaa tallaabadan ku soo dhaweeyay qoraal uu soo dhigay barta X.
Waxaa uu qoraalka ku sheegay inuu ka mahadcelinaya go’aanka dowladda UK.
Waxaa uu dhanka kale dhaliil u jeediyay madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni oo uu maamulkiisa ku tilmaamay inuu yahay mid aan sinnaanta ilaalin.