Waxaa in loo gargaaro codsanaya qaar ka mid ah dadka ku nool magaalada Garissa gaar ahaan xaafadda Kamoor oo ay daadad barakiciyeen.
Waxay cabashadan mid la mid ah naga soo gaareysa ismaamulka Mandera.
Qoys ka kooban 11 qof oo ay saameeyeen daadka ayaa bulshada ka codsaday inay caawimaad u fidiso.
Qoyskan oo deggan xaafadda buula Finish ee magaalada Mandera ayaa fatahaadda ku noqday hooy la’aan waxayna sidoo kale biyaha kala tageen raashiin iyo maacuuntii ay isticmaalayeen.
Xubnaha qoyskan oo la daala dhacaya xaaladda adag ee soo foodsaartay ayaa dareenkooda sidatan ula wadaagay warbaahinta Star.
Si qoyskan loo caawiyo waxaa lagala xiriiri karaa nambarka taleefoonka ee ah 0705 705035
Dhawaan ayay ahayd markii barasaabka ismaamulka Mandera Maxamad Aadan Khaliif uu tirada qoysaska ee ay daadadku saameeyeen uu ku sheegay in ka badan 12,000 halka qiyaastii 4,000 oo ka mid ah ay guriyahooda ka barakaceen.
Dhanka ismaamulka Wajeer, meelaha laga dareemaya saameynta roobabkii da’ay waxaa ka mid ah magaalada Buna sida uu warbixintan ku eegaya Cabdiraxmaan Mucaawiye.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo waaxda saadaasha hawada ee dalka ay sheegtay in roobabka ka da’aya qaybo ka mid ah wadanka la rajeynaya inay sii jiraan ilaa bisha 12-aad ee Diseembar ee sanadkan.