Waxaa guud ahaan dalka si rasmi ah maanta uga billowday imtixaanka fasalka afaraad ee dugsiyada sare ee KCSE-da.
Sanadkan waxaa imtixaanka u fadhiisanaya arday ay tiradoodu tahay 903,260.
Howlwadeenno matalaya waaxyo kala duwan ayaa loo xil saaray maareynta imtixaannada si looga hor tago wax is daba marin.
Waxaa si weyn loo adkeeyay ammaanka guud ahaan xarumaha ay ardayda imtixaanka ku sameynayaan.