Hoggaamiyaasha siyaasadeed ee ismaamulka Mandera oo ay hor kacayaan guddoomiyaha iyo senatarka dowlad deegaankaasi ee kala ah Maxamad Aadan Khaliif iyo Cali Ibraahim Roba ayaa dowladda dhexe ugu baaqay inay qaaddo tallaabooyin degdeg ah oo wax looga qabanaya saameynta ka dhalatay daadadka halkaasi ku dhuftay ka dib roobab da’ay.
Barasaabka ayaa bayaan uu warbaahinta u akhriyay ku sheegay in ilaa iyo hadda saddex qof ay ku nafwaayeen fatahaadda.
Dadkan ayaa isugu jira haweeney waayeel ahayd iyo labo arday oo dhawaan dhameeyay imtixaanka fasalka 8-aad ee dugsiyada hoose dhexe ee KCPE-da.
Waxaa uu barasaabka Mandera tacsi u diray qoysaska ay saddexda qof ka geeriyoodeen.
Waxaa uu intaasi ku daray in xoolaha ay dabar go’ayaan oo ay jirto khatar dhanka cudurrada biyaha ku faafa ah maadaama ay musqullo badan dumeen.
Sidoo kale waxaa uu wax laga xumaado ku tilmaamay in biyaha daadadka ay gudaha u galeen dugsiyo tani oo saameyn ku leh tacliinta maadaama ay berri billaabanayaan imtixaannada fasalka afaraad ee dugsiyada sare ee KCSE-da.
Meelaha ay saameynta soo gaartay waxaa ka mid ah isbitaallada iyo beeraha sida bayaanka ku cad.
Guddoomiyaha Mandera ayaa sheegay in ilaa iyo hadda ugu yaraan 12,000 oo qoysas ah inay saameyn ka soo gaartay fatahaadda.
Waxaa gudaha Mandera, guriyahooda ka barakacay ilaa 4,000 oo qoys.
Meelaha ay daadadka saameynta ku yeesheen waxaa ka mid ah Ceelwaaq Shimpir Fatuma, Wargaduud , Borehole 11 ,Kotulo ,Damasa, dariqa, Lafey iyo kuwo kale.
Guddoomiyaha Mandera ayaa intaasi ku daray in xaaladda ay aad u adag tahay oo qoysaskan ay intooda badan lumiyeen waxyaabihii ay nolol ahaan ku tiirsanayeen ama lahaayeen.
Waxaa uu xusay in haddii roobabka ay sii da’aan in la filaya inay kororto tirada ay saameynta ka soo gaarta.
Sidoo kale Maxamad Aadan Khaliif , barasaabka ismaamulka Mandera ayaa sheegay in boqolkiiba 80 ee waddooyinka Mandera ay roobabka si wayn u saameeyeen.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in dowladda hoose ee ismaamulka Mandera iyo madaxda halkaasi laga soo doortay ay ka go’an tahay sidii gargaar degdeg ah loo gaarsiin lahaa qoysaska ay daadadka saameeyeen.
Waxaa uu sheegay in waaxyo kala duwan ay iska kaashan doonaan xal u helidda caqabadaha dhanka adeegyada ee hadda jira.
Barasaabka Mandera ayaa u mahadceliyay saaxiibbada ay ka midka tahay hay’adda laanqayrta cas ee dalka ee la shaqeynaya wuxuuna dhinacyada kale ka codsaday inay garab ku siiyaan sidii shacabka looga fududeyn lahaa culeys ka dhashay daadadka.
Senatarka ismaamulka Mandera ahna hoggaamiyaha xisbiga UDM, Cali Ibraahim Roba ayaa dhankiisa dowladda ugu baaqay inay sare u qaaddo dadaallada ka falcelinta musiibooyinka.
Senatarka ayaa xusay in dowladdu ay fududeysatay baaxadda roobabkii horay loo saadaaliyay ka dib markii madaxweynaha dalka William Ruto uu sheegay inaynan gaari doonin heerka El Nino.
Mudanaha deegaanka Koonfurta Mandera Cabduul Haro ayaa dhankiisa sheegay in qoysaska daadadka ku barakacay ay u baahan yihiin cuntooyin, maro kaneecada iyo teendhooyin.
Hay’adda laanqayrta cas ee Kenya Red Cross ayaa laga soo xigtay in roobabka ka da’ay qaybaha kala duwan ee wadanka iyo daadadka ka dhashay ay ilaa iyo hadda ku dhinteen 17 qof.