Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa sheegay in machadyada farsamada ee ku yaalla gobolka Xeebta lagu baran doono maareynta iyo ka faa’iidaysiga kheyraadka badda ee loo yaqaano Blue Economy.
Arrintan ayuu ka sheegay ismaamulka Mombasa isagoo xusay in aan kheyraadka badda si buuxda looga faa’iidaysan.
Waxaa uu dhanka kale kenyaanka ka codsaday inay dulqaad muujiyaan iyadoo maamulka Kenya Kwanza uu ku dadaalaya inuu ka dhabeeyo ballanqaadyadii uu shacabka u sameeyay xilligii ololaha doorashada ee sanadkii hore.
William Ruto ayaa mar kale cadeeyay in dowladda hadda talada haysa aynan lahayn qorsho dekad loogu wareejinaya shakhsiyaad ama shirkad gaar ah si loo wanaajiyo dakhliga ka soo xaroodo.
Waxaa uu ugu dambeyn shacabka ku boorriyay inay midnimada ku dadaalaan oo ay cid kasta ka soo baxdo mas’uuliyadda ka saaran horumarka dalka.